TOOS U DHAGEYSO:- Aadan yabaal ma Al-Shabaab ayaa jooga mise Amisom iyo Dowlada ? Dadka degaanka ayaa ka waramaya

0

Wararka Saaka laga helaayo Degmada Aadan Yabaal Ee Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa waxay xaqiijinayaan in Xarakada  Al Shabaab ay si rasmi ah uga baxeen Degmadaasi.

Al-shabaab, ayaa ka hor intii aanay ka bixin Degmadaasi waxay xabsiyada ka sii daayeen maxaabiista eedeymaha fud fudud loo haystay, halka ay horey u sii kaxeysteen kuwii eedeymaha cul culus, ay u haysteen.

Gudoomiyaha Degmada Aadan Yabaal, Maxamuud Sheekh Xasan, ayaa wuxuu xaqiijiyay in Al Shabaab uu isaga baxay Degmada Aadan Yabaal, ka dib muddo sideed sano ah oo uu ka arriminaayay.

Ciidamada Dowladda Somaliya oo kaashanaaya Ciidanka Itoobiya ee qaybta ka ah Amisom, ayaa waxay maalmo ka hor ka soo dhaqaaqeen Deegaanka Moqokori Ee Gobolka Hiiraan, iyagoona culeys wayn saaray Degmada Aadan Yabaal.

Labada dhinac, ayaa wuxuu Shalay  dagaal qaraar uu ku dhex maray duleedyada Degmadaasi, taasoo keentay in ugu danbeen shabaab baneeyaan Halkaas.

Ciidamada Dowladda & Amisom waxay Saaka ku sugan yihiin afaafka hore ee Degmadaasi, waxaana suurta-gal ah in Maanta ay gudaha u galaan Aadan Yabaal

HALKAAN KA DHAGEYSO