Faahfaahino ka soo baxaya Wiilal Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka suuriya

0

Cabdiraxman Shariif iyo Khaliif Shariif oo da’dooda  lagu sheegay  21 jir iyo  18 jir ayaa la xaqiijyey in ay ku geeriyoodeen dagaal  ka dhacay dalka suuriya, waxaana la sheegaya in wiilashaas ay ka garab dagaalamayeen kooxda la magac baxay dowladda islaamka ee daacish.

Mid ka mid ah Wargeysyada ka soo baxa dalka Britain ayaa Manta waxaa uu daabacay in Cabdiraxman Shariif iyo Khaliif Shariif ay sanadkii 2014 kasoo tageen Magaalada Manchester ee dalka Britain si ay ugu biraan kooxda Daacish.

Fatuma oo ah 48 sano  jir ahna Hooyada dhashay labada wiil  ayaa u sheegtay warbaahinta gudaha Britain in lagu wargaliyey geerida wiilasheeda, islamarkaan ay soo waceen niman katirsan kooxda daacish oo u sheegtay in ay dhintay labadeeda wiil.

Soomaali u badan dhalinyaro oo heystay dhalashada dalalka  Britain iyo maraykanka  ayaa ku biiray Kooxda dowladda islaamiga ah ee Daacish iyadoo magaalada Manchester iyo gobalka menisoto ee dalka maraykanka  lagu tilmaamay meelaha ugu oo ay  baxeen dhalinyarada  ku biirtay IS oo isugu jiray wiilal iyo gabdho.