DHAGEYSO WAREYSI:- Masuuliyiinta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ka warbixiyay tiradii ugu dambeysay ee ku geeriyootay daadad xooggan oo saameeyey magaalada Jigjiga

0

Ugu yaraan 15 qof ayaa dhintay, islamarkaana 100 qof ayaa cusbitaallada la dhigay kadib daadad xooggan oo saameeyey magaalada Jigjiga ee dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

Wararka qaar ayaa dhimashada intaasi ka badinaya.

Daadadka ayaa ka dhashay kadib markii xilli habeenimo ah uu magaalada ku fatahay dooxa weyn ee magaalada dhex mara, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Dadka isbitaalada la dhigay ee gaaraya illaa 100 qof, ayaa isugu jira ciidankii Samatabixinta iyo dadkii deganaa hareeraha webiga.

Wasiirka ka hortagga masiibooyinka iyo u diyaargarawga ee dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya, Maxamed Daahir Ismaaciil ayaa VOA-da u sheegay in sidoo kale ay jiraan sideed qof oo weli la la’ yahay nolol iyo geeri.

HALKAAN KA DHAGEYSO