DHAGEYSO WAREYSI:- Ciidamada Dowlada iyo Kuwa AMISOM oo si buuxda ula wareegay degmada Aadan Yabaal

0

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay Degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidada oo gudaha u galay degmada ayaa la sheegay iney daqiiqado Al-Shabaab kula dagaalameen degmadaasi ka dibna si buuxda ula wareegay degmada.

Maxamed Muumin Climi oo loo yaqaan Saneey oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee howlgalkan hogaaminaayay ayaa warbaahinta u xaqiijiyay iney la wareegeen degmada Aadan Yabaal.

Waxaa uu sheegay in Ciidanka iskaashanaya ay Degmada ka mareen Labada dhinac islamarkaana ay sidaasi kula wareegeen degmada.

Hoos ka Dhageysiga Sarkaalka:-