DHAGEYSO:- Maamulka Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku soo bandhigay dad lagu soo qabtay waxyaabaha Maanka dooriya

0

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay  ayaan manta waxaa lagu soo bandhigay dad lagu ee eedeyay in ay ganacsan  jireen waxyaabaha maanka dooriya.

Goobta dadka lagu soo bandhigayey ayaa waxaa joog ahaa dadka Gudiga Ammaanka ee Maamulka koofur Galbeed, waxayna dadkaan lagu soo qabtay Daroogada   noocyadeeda kala duwan sida koolada, Xashiishka, Qamriga, iyo kuwa kale.

Dadka  manta lagu soo bandhigay Magaalada Baydhabo ayaa isku jiray Rag iyo Dumar waxaana  kala ahaayeen 5 wiil iyo 1 qof oo dumar ,kuwaas oo lagu eedeeyey ka ganacsiga maandooriyaasha.

Dadkaan ayaa lagu soo  qabtay howlgal ka dhacay magaalada baydhabo gaar ahaan Xafaada Horseed oo ah Xaafada dadka ugu badan ay kunool yihiin baydhabo.

Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Baydho ayaa xukun ku riday  dadka lagu eedeeyay  ganacsiga darooga waxana midkaste lagu xukumay 3 sano oo xabsi .

Hoos ka Dhageyso Codka:-