DHAGEYSO:- Howl galo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka bilowday degmada Ceel Buur

0

Gudoomiyaha degmada Ceel buur ee Maamulka gobolka Galgaduud Cabdi Xasan Maxamed Biyo quute ayaa sheegay in ay wadaan howl galo ay doonayaan in ay Al-shabaab kaga saaraan deegaanada ay kaga sugan yihiin degmada Ceel Buur.

Waxa uu sheegay in deegaanada ay hada Al-shabaab ku sugan yihiin ay ka jiraan abaaro daran isla markaana ay muhiim tahay in Al-shabaab deegaanadaasi laga saaro si loo gar gaaro dadka ku nool deegaanadaasi.

Waxa uu sheegay in ay diyaariyeen ciidamadii howl galadaasi sifeynta ah qaadi lahaa isla markaana ay dhawaan bilaabayaan.

Gudoomiyaha degmada Ceel buur ee Maamulka gobolka Galgaduud Cabdi Xasan Maxamed Biyo quute ayaa Madaxda Dowlada ugu baaqay iney howl galadaasi ka caawiyaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-