DHAGEYSO:- Amaro ka dhan ah Nadaafada Muqdisho oo la soo saaray

0

Agaasimaha waaxda nadaafadda ee Maamulka gobolka Banaadir C/casiis Goodax Barre ayaa sheegay inay howlo nadaafadeed ay ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Waxa uu sheegay inay howlaha nadaafadda ay maanta ka sameeyeen 4 degmo oo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir oo kala ah Xamar Weyne, Shangaani, Boondheere iyo Xamar Jajab.

“Waxaa olole nadaafadeed ka sameeynay ilaa 4 degmo oo kala ah Xamar Jajab,Xamar Weyne,Shangaani iyo Boondheerre waana kuwo aan ku doonayno inaan dib u soo celinno bilicda ay lahayd Caasimada Muqdisho ayuu yiri”.

Waxa uu sheegay in ay howlahaan nadaafadeed sii wadaya isla markaana aysan joojin doonin.

Hoos ka Dhageyso Codka:-