DAAWO:- Maxamed Ibraahim Baakistaan oo loo doortay Xoghayaha Ururka Shaqaalaha Soomaaliyeed ka dib markii uu hogaanka NUSOJ ku fashilmay

0

Doorasho Maanta ka dhacday magaalada muqdisho waxaa Xoghayaha Ururka Shaqaale Weynaha Soomaaliyeed ee UDHIS loogu doortay Mudane Maxamed Ibraahim Baakistaan oo ahaa Xoghayihii Hore Ee ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Doorashadaani ayaa waxaa gudoomiyaha cusub kula tar-tamayay laba musharax oo kala ah C/raxmaan Xassan Cumar iyo Cumar Faaruuq Cusmaan.

Gudoomiyaha Cusub ee ururka shaqaalaha Soomaaliyeed, Maxamed Ibraahin Bakistan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in waxbadan uu ka qaban doono shaqa la’aanta baahsan ee heysata dhalinyarada Soomaaliyeed islamarkaana uu ku dadaali doono sidi fursado shaqo loogu abuuri lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gudaha dalka iyo dibaddiisa.

Hoos ka Daawo Sawirada qaabka ay u dhacday doorashada:-

8888 10000 11111 22222 55555 444444 1444444 1888888 1999999 3333333 12222222 13333333 15555555 17777777 20222222 666666666