WAR DEG DEG:- Xildhibaan lagu dhaawacay Xamarweyne,Ilaaladiisa oo la dilay iyo Ciidamada Dowlada oo hada goobta ku sugan

0

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu Magacaabo Maxamed Cali Diheeye ayaa ku dhaawacmay Weerar ka dhacay Meel u dhaw Bacadlaha Xamarweyne,waxaana halkaa ku dhintay Labo Askari oo Ilaalo u ahaa.

Dilka ayaa la sheegay in ay Fuliyeen Koox Hubeysan oo waday Gaari,kuwaas oo Gaariga Xildhibaanka ku   Hor gooyay ka dibna Rasaas ku furay.

Xildhibaan Maxamed Cali Diheeye ayaa dhawaan loo dhaariyay Xubinimada Baarlamaanka Soomaaliya,waxaana Dhawaciisa loo qaaday Isbitaalada Muqdisho.

Muqdisho ayaa Maalmahaan waxaa ka dhacayay Dilalka Qorsheysan oo ay geysanayaan Koox Hubeysan oo wada Gaadiid.

Wixii ku soo kordha kala soco Allgalgaduud Media