TOP NEWS:- Salaad C. Jeelle “Dowladdan waqtigeeda waa dhamaaday, Madaxdeedana waa musharaxiin”

0

Salaad Cali Jeelle oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Dimoqraadiyada ayaa sheegay in dowladda hada jirta uu waqtigeeda dhamaaday, isla markaana aanay wax heshiis ah geli karin.

Mr Jeelle ayaa sheegay in aanay raalli ka aheyn nidaamka 4.5 ee hada la qorsheynayo in dowladda soo socota lagu soo doorto, waxaana uu ku eedeeyay dowladda waqtigeeda dhamaanayo inay ku guuldareysatay waxyaabihii loo igmaday.

“2012 qaabkii wax loo doortay ayay hadana mid la mid ah noqonee, anaga ma soo dhoweyneyno 4.5 waxaa u aragnaa inay dhiira gelineyso xagjirnimada iyo qabyaalada, mana noo muuqato in lagu gaari karo mustaqbal Soomaaliyeed”ayuu yiri Salaad Cali Jeelle oo la hadlayay mid ka mid ah Idaacada Muqdisho.

Waxaa uu ku eedeeyay madaxda dowladda inay yihiin musharaxiin dano gaar ah leh, isagoo xusay in aanay haatan talo gacanta ugu jirin, maadaama waqtigeeda dhamaaday, isla markaana aanay wax heshiis ah geli karin.

“Dowladda sideedaba waqtigeeda waa dhamaaday, waxa meesha joogana waa dad musharaxiin ah oo muraad gaar ah leh, xukuumadan wax waa qaban weyday, waana fashilantay, taladana waxay hor-taalaa shacabka Soomaaliyeed”ayuu mar kale yiri Salaad Cali Jeelle.

Salaad Cali Jeelle ayaa horay xilal kala duwan uga soo qabtay Xukuumaddihii KMG ahaa, waxaa uu ka mid ahaa musharaxiintii u tartameysay doorashadii madaxtinimada sanadkii 2012, inkastoo aanu hal cod ah helin.