DHAGEYSO:- Dadka ku dhaqan Waajid oo Xaalad adag ku jira,Wadooyinkii Deeqaha loo marin lahaa oo Shabaab ay joogaan iyo Maamulka dowlada e halkaasi oo balan qaad sameeyay

0

Waxaa xaalad dhanka nolosha ah ay ka jirtaa degmada Waajid ee gobolka Bakool oo uu ka taliyo maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Maamulka Bakool ayaa waxa ay sheegeen in ay furayaan wadooyinka degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Waajid ee gbolka Bakool Cadow C/raxmaan oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in ay diyaar yihiin ciidamadii furi lahaa wadooyinka soo gala degmada Waajid.

Waxaana uu sheegay in ay mardhow howlgallo ka bilaabi doonaan deegaanada hoos yimaada degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Dhanka kale Gudoomiye ku xigeenka degmada Waajid ee gbolka Bakool Cadow C/raxmaan ayaa waxa uu sheegay in degmada Waajid hada ay ku nool yihiin dad aad u tiro badan, iyadoo uu tilmaamay in dadkaas ay ku nool yihiin xaalad aad udaran.

Waxaana uu baaq adag uu u diray Jaaliyadaha ka soo jeeda degmada Waajid ee Waajid ee gobolka Bakool si ay garab u siiyaan dadka ku dhibaateysan degmada Waajid.

HALKAAN KA DHAGEYSO