DEG DEG+VIDEO:- Maxkamada ICC oo sii deysay Madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Ruto

0

Madaxweyne ku-xigeenka Kenya, William Ruto, ayaa goor dhow waxaa lagu dhawaaqay inuu san lahayn wax danbi ah, waxaana laga sii daayay maxkamada.

Maxkamadda Caalamiga ee ICC ayaa goor dhow ku dhawaaqday in la sii daayay madaxweyne Ruto, waxaana sidoo kale maxkamadu ay sheegtay in kiiskii oo dhan la soo xiray ka dib markii cadaymo loo wayay.

Ninkaan ayaa loo heestay inuu ku lug lahaa rabshado ka dhacay dagalka Kenya xiligii doorashada ee dalkaas.

Qiyaastii 1200 oo qof ayaa lagu dilay qalalaase xigay doorashooyinkii 2007-dii lagu qabtay Kenya.

Mr Ruto ayaa iska fogeeyay eedaha ay ka midka yihiin dil, musaafurin iyo dhibaatayn dhanka qowmiyadda ah.

Dacwad oogaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada, Fatou Bensouda, ayaa qirtay in markhaatiyada ka baxay ay kiiska ka dhanka ah madaxweyne ku-xigeenka ka dhigeen mid daciif ah.

Afhayeen u hadlay maxkamadda ICC ayaa warbaahinta u sheegay in wax danbi ah lagu waayay masuulkaan taasina ay keentay in la soo xiro kiiskaan in badan soo socday.

Hoos ka Daawo Muuqaalka:-