AKHRISO:- Wararkii ugu dambeeyay Degmada Aadan yabaal iyo Al-Shabaab oo ka baxay

0

Wararka inaga soo gaaraya  degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in ururka Al-shabaab ay isaga baxeen Aadan Yabaal oo ay sugan yihiin duleedka degmada.

Guddoomiyaha degmada Aadan Yabaal Maxamuud Sheekh Xasan ayaa inoo xaqiijiyay in Al-shabaab ay degmada ay ka baxeen , iyadoo aan wax dagaal ah uusan dhicin.

Dadka deegaanka ah ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ay caawa ku sugan yihiin deegaan lagu magacaabo Mabaax oo 7 km ujirta degmada Aadan Yabaal, iyadoo cawa degmada aysan labada dhincaba aysan ku sugneyn.

Degmada Aadan Yabaal ayaa waxaa  horey Saldhigyo waa weyn ugu lahaa Ururka Al-shabaab oo iyagu in muddo ah halkaasi ku sugnaa.