Wasaarada Amniga Gudaha oo baaq u dirtay Shacabka Muqdisho

0

War ka soo baxay maanta wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu faray bulshada Soomaaliyeed in ay Foojignaan weyn ka muujiyaan Qaraxyo loo adeegsanyo Gawaari Walxaha Qarxa laga Soo buuxiyay oo la doonayo in lagu bartilmaameedsado Meelaha Ay Shacabka Isugu Yimaadaan.

Warkan ayaa lagu Amray Muwaadin Kasta ee Soomaaliyeed in uu dib hubiyo Gaariga Yaalla Gurigiisa, Goobtiisa Ganacsi, Ama Garaashkiisa, si looga hortago Gawaari Xogtooda lasoo gaarsiiyay Hey’adaha Ammaanka, isla markaana la doonayo in waxyeello loogu geeysto Ammaanka Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Afhayeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane C.Kaamil Maxalin Shukri Ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA u sheegay in Ciidamadu ay wadaan baaritaanno iyo howlgallo isdaba joog ah shacabka soomaaliyeedna ay dib ugu laabtaan gaadiidka Yaalla Guryaha Ama goobaha Ganacsi ee ay leeyihiin maadaama ay dhagar walba adeegsadaan  Al-shabab.

“Muwaadiniinta Soomaaliyeed waxan uga digeynaa qataraha argagixisadu maleegayaan, waxan leenahay dib u hubiyo Mehradihiinna Ganacsi, Goobaha Baabuurta lagu Farsameeyo ama lagu Xareysto si gaar ah milkiilayaasha Garaashyada iska leh, waxaan heynaa xogta gaadiid la rabo in qaraxyo lagu geysto oo mid kamid ah aan saakay Qabanay, si aysan u baxsan gacan nagu siiya in aan ka badbaadino dadka Maatida ah” ayuu hadalkiisa raaciyay Mudane C.kaamil Macalin.