Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka oo kulan la yeeshay saraakiil Masaari ah

0

Xilli maalintii shalay magaalada Muqdisho ay soo gaareen wefdi ka socda dalka Masar, oo uu hogaaminayay kaaliyaha wasiirka arimaha dibadda ee dalka Masar  u qaabilsan qaarada Afrika ayna kamid ahaayeen saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga dalkaasi ayaa maanta waxaa kulan la yeeshay saraakiishaasi taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.

Kulanka saraakiishan oo ka dhacay xarunta wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa waxaa ay labada dhinac ka wada hadleen xoojinta cilaaqaadka labada dowladood iyo sidii xukuumadda Qaahira door ugu qaadan laheyd dib u dhiska ciidanka xooga dalka Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed sareeyo gaas Maxamed Aadan Axmed oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dowladda Masar ay tahay saaxiib weyn oo ay Soomaaliya leedahay isla markaana xiriirkii soo jireenka ahaa dib loo soo celin doono.

Sareeyo gaas Maxamed Aadan Axmed, taliyaha ciidanka xooga dalka ayaa sidoo kale sheegay in wefdiga ka socday dalka Masaarida ay ka wada hadleen dib u soo nooleynta xiriirka labada dhinac gaar ahaan iskaashiga dhanka gaashaandhigga ah.