FAAHFAAHIN+SAWIRRO:- Warar kala duwan oo ka soo baxaya Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo Muqdisho lagu qabtay

0

Faah-faahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa Gaari Nuuca Raaxada ah oo laga oo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa,kaas oo la soo dhigay Maqaaxida Blu SKY oo ku taalla inta udhexeysa Daljirka Dahsoon iyo Xaawo Taako.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Gaariga uu Qarxi waayay islamarkaana dadkii maqaaxida joogay ay Arkeen oo Ciidamada ay ku wargaliyeen.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo halkaa Warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in Ciidamada NISA ay Qaraxa Gaariga ka fur fureen islamarkaana Dhibaatadiid ay Shabaab rabeen aysan u suuro galin.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in Hay’addaha Amaanka Soomaaliya  ay Amar ku bixinayaan in aan wax Gaari ah ladhigi karin inta u dhaxeysa Tiyaatarka Qaranka iyo Ilaa Daljirka-dahaason.

5 1 2 3 4