DHAGEYSO: Warbixin Qayraadka Baddeena Iyo Sida Ay Dadkeena Uga Baahan Yihiin.

0

Dalka soomaaliya gobaladiisa waxa ay kala yihiin qaar uu maro wawiga inkastoo aysan laheyn bad kuwana waa kuwo leh bad iyo wawi sidoo kalana waxa jira gobolo aanan laheyn intaba.

Hadaba dalkeena soomaaliya wuxu alle ku maneystay xeeb lala bawac dhigi karo xeebaha kale ee dunida.

Sida ay tahayna dad keenu waxa ay la liitaan sabool nimo balse Qubarada caalamka waxa ay sheegaan in Soomaaliya qeeraad badan ka buuxo dadkuna ay ku filan tahay kaliya nimcada Dhulkooda ku duugan waxa inoo dheer badda oo ay daadsan yihiin Xayawaanaad uu eebe inoo xalaaleeyay badankooda Aad beey ugu yar yihiin magaalooyinka soomaaliya goobaha lagu iibiyo hilbaha kalluunka balse tira koob malahan kaawanada lagu gado hilibka barigga ee xoolaha dab joogta ah.

Hasa ahaatee xeebaha agagaar kooda aya waxa kaaga muuqanaya Dad iyagu la il daran baahi.

Hadana ay xeebtu soo dufeyso kalluunka isla markaana soo caarisa taasi waxa nooga muuqaneysa in aysan garaneyn habka looga soo saarto badda dariska la aha manaafacaad keeda.

Inta yar ee ka shaqeysata malaayga ayaa iyaguna dhibaato ku qaba maraakiibta shisheeya oo ku mar mar siyoonaya in ay baadi goobayaan burcad badeeda lakiin Xaalufiyaan kalluunka badda soomaaliya waxa aynu ugu kuur galeynaa warbixintan sida dadku ugu tiirsan yihiin kalluunka Intooda Fara ku tiriska ahi oo aan haysan shirkado caalamiyaa eek u taakuleysa qalab ama la waaridaan kalluunka.

Dhinaca kalana malaayiin kaloo Daruufeysan aya jira oo aan ku baraarug saneyn u leexashada badda waxa ayna ka aamin san yihiin Qatar aan laga baxsan Karin hasa yeeshee.

Nin magaciisa kusoo koobay ciise oo kamid ah Dadka kaluumeysatada soomaaliyeed aya waxa uu taabanaya culeeska ay ku hayaan maraakiibta shisheeye oo uu ku sifeeyay in ay xaaqaan malaayga mararka qaarna isaga soo baxaan bada iyaga oo fara maran.

Dad baa sideey mudo ugu shaqeey sanayeen badda oo ay qutul yoon kooda uga soo dhacsan jireen Caruur badanna ku korsan jireen in badan ilaa haatan ku biisha qoyskiisa dhaqaalaha badda kasoo gala waxa ay qibrad Dhameystiran ka heleen noocyada kalluunka ee badda sida ay ugu nool yihiin.

Cabdi cismaan aya ah nin ku raagay xirfada kaluumeysiga waxa uuna na baraya noocyada ugu dhadhanka fiican ee kalluunka Bashiir Kook isana waa kawaan leyda muqdishoku iibiyana kalluunka waxa uuna koobaya sida ay u kala qaalisan yihiin ama beec mushtarka hilibka malaayga Cadad ahaan lacagta shilin soomaaliga ee lakala siisto Ma ahan kaliya dadka ka ganacsada kalluunka ragga Un balse Dumar badan ayaa geeya kaluunka gobalada aanan marin baddugaar gobolo ka tirsan waqooyiga iyo bartanaha faadumo Cismaan C.laahi waa haweeneey ka rarta kalluunka kawaanada lagu gado kadibna u iib geysa gobolo soomaaliya kamid ahiyadoo galisa talaajad si uu uusan isku badalin inta uu safarka ku jiro hilibka kalluunka hadaba side looga soo dalbada kalluunka qaab ceen keena aye isugu xiran yihiin iyada iyo macaamiisheeda gobolada.

Ugu dambeyntiina waxa aynu aragna dowlada ama hay`adaha oo xooga saara dhismaha dalka wax soo saarka beeraha ganacsiga xiriirka dibada oo lagu sheegay in ay iska kaashanayaan dowlada soomaaliya iyo kuwa caalamka horumarka dalka mid kamida kaluumey satada waxaa uu dalbanaya in laga kaalmeeyo qalabka ay ku shaqeeyaan sidii looga badali laha naadana uu duugooway muda badana isticmaalayeen.

Badda qeeraad badan aye leedahay bulsho badana waa ay ku tiirsan yihiin waxaana loo baahan yahay in bulshada laga kaabo sidii loogu wacyi galin laha ka shaqeysiga dalkooda waxana lama huraan ah in la helo ciidan badeed oo ku filan ilaalinta badeena soomaaliya.

Hoos Ka Dhagayso.

Dhamaad

Waxaa Diyaariyay Wariye Maxamed Axmed Xasan

Email:Xaliye6300@gmail.com

Tel:+252615630034