DHAGEYSO:- Roobab ka da’ay Deegaano ka mida gobolka Awdal iyo Madaxweyne Siilaanyo oo booqday

0

 

Deegaano ka mida gobolka Awdal, ayaa waxaa maanta ka da’ay roobkii guga, xilli halkaas ay ka taagnaayeen abaaro aad u darran, oo dad iyo duunyo saameeyey.

Roobabka ayaa inta badan ka da’ay magaalada Boorama, deegaanada xeebta iyo deegaanada Dilaa iyo Illaa Kala Bayrka dhexdooda.

Inkasta oo roobabka da’ay aysan aad u xooganeyn, haddana waxa ay dadka deegaanku aaminsan yihiin in roobka curtay, ayna filayaan inuu sii da’o

Sidoo kale, waxaa maanta deegaannada ay abaaruhu ka jiraan ee gobolka Awdal booqasho ku tegey wafti uu horkacayo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.

HALKAAN KA DHAGEYSO VOA-DA OO WAREYSI LA YEELATAY CALI XAAMUD JIBRIIL, WASIIRKA XIRIIRKA GOLAYAASHA EE SOMALILAND OO KA MID AHAA WEFTIGAASI.