DHAGEYSO:- Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in lagu daba jiro cidii ka dambeysay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan ku nabad sugida NISA ayaa maanta waxa ay qabteen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Waxaana gaarigaas la dhigay inta u dhaxeysa isgoysyada Xaawo taako iyo Daljirka daahsoon ee magaalada muqdisho, gaar ahaan agagaarka maqaaxiyado halkaasi ku yaalla oo lagu shaaxeeyo.

Saraakiisha ciidamada dowladda soomaaliya ayaa sheegay in baaritaano ay ku hayaan gaarigan iyo sababihii ka dambeeyay in halkaas la dhigo.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay sida ay uqabteen gaarigaas.

Maalmihii udambeeyay dowladda federaalka soomaaliya ayaa waxa ay waday dadaalo lagus ugayo amaanka guud ee muqdisho, iyadoo dhowaanahan dilal ay ka dhaceen degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

HALKAAN KA DHAGEYSO