DHAGEYSO:- Banaanbaxyo Roob doon ah oo maanta ka dhacaya Muqdisho iyo Madaxda Dowlada oo ka qeyb galaya

0

Banaanbax Roob doon ah ayaa Saaka ka socda Magaalada Muqdisho,waxaana Dibadbaxa Roobtoonta ah ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Banaanbaxa ayaa ka dhici doona Masaajidka Isbahaysiga Islaamka ee Magaalada Muqdisho,iyadoo qaar ka mid ah Dadka ku nool Muqdisho oo Banaanbaxa dhigaya ay hadda joogaan Masaajidka Isbahaysiga Islaamka.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa sheegay in Ujeedka Dibadbaxu uu yahay Roobtoo islamarkaana dadka ay Alle ku baryayaan si loo helo Raxmadiisa dadka ay Abaarahu haystaana Alle loo baryo inuu Roob siiyo.

Wasaaradda Aw-qaafta iyo Arrimaha Diinta Xukumadda Soomaaliya ayaa Jimcihii la soo dhaafay Cilaamisay Banaanbax roobtoon ah oo lagu qabanayo Magaalada muqdisho.

Hoos ka Dhageyso Codka:-