Faahfaahin kasoo baxay Soomaali Meydkooda laga helay Dalka Masar

0

Xeebta dalka Masar  ayaa Waxaa laga helay Hooyo Soomaaliyeed iyo Seddex Caruur oo ay Dhashay.

Meydka Hooyadaani ayaa waxaa lala helay dhowr qof oo kale oo kasoo jeeda dalalka carabta sida ay sheegay Madexda Katirsan dowlada Masar oo Booqday meydka Hooyadaas Soomaaliyeed iyo Caruurta ay  Dhashay.

Dadka meydadkooda laga Helay Xeebta ayaa la aaminsanyahay in doonayeen in ay Tahriib ku galaan  Dalalka  Yurub.

Saraakiisha Ciidamada Badda Masar Dowlada  ayaa Baadigoobaya  dooni ay la socdeen in kabadan  105 qof oo la sheegay  74 ka mid ahaayeen Soomaali, wali aan Nolol iyo Geeri midna lagu hayn.

Hooyada iyo Caruurta ay Dhashay ayaa lagu magacaabi jiray Cadar Xasan Cadaawe, halka caruurtana ay kala yihiin, Abuukar C/kariin oo Seddax bil kaliya jira, Anfac Cabdikariin oo sanad iyo bar jir iyo Abuukar oo todobo sano jir ah.