DHAGEYSO:- Xasan Sheekh oo fariintii ugu dambeysay u diray Dhalinyarada ku jirta Al-Shabaab, kuna hanjabay

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud ayaa mar kale Cafis u fidiyay dhallinyarada ku jirta Xarakada Al-shabaab ee Soomaalida ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay cafis helayaan Dhallinyarada isa soo dhiibta,waxaana uu uga digay in ay ku sii jiraan dagaalka lagu dhibaateynayo Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa Shii Jaraa’id oo uu  kuq abtay Muqdisho,waxaa uu kaga hadlayay howlgallada Ciidanka qaaska ah ee Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ay ka fuliyeen Gobollada Hiiraan,Jubbada dhexe iyo Shabeellaha hoose.

Madaxweyne Xasan ayaa u sheegay Dhallinyarada ku jirta Al-shabaab in haddii iyaga oo nabad ah ay isa soo dhiibaan ay la kulmi doonaan soo dhaweyn,haddiise dagaal laguq abto ayuu sheegay in ay ciqaab muteysan doonaan.

Dowladda Federaalka ayaa dhowr jeer cafis u fidisay xubnaha ku jira Xarakada AL-shabaab,waxaana ay Dowladdu sheegtay in ay jiraan dhallinyaro badan oo ka faa’ideystay cafiska Dowladdu fidisay.