DHAGEYSO WAREYSI:- Wararkii ugu dambeeyay ee Shirarka ka soconayo Puntland

0

Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ayaa waxa ay sheegayaan in shir gaar ah oo albaabadu ay u xiran yihiin uu hadda u socda Wafdiga beesha caalamka oo isku dhinac ah iyo Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, waxaana ay ka wada hadlayaan waxyaabaha ay Puntland soo jeedisay iyo sida loo fulinayo.

Madaxweyne Gaas ayaa soo ayaa waxaa laga sugayaa in uu soo bandhigo sharuudaha ay Puntland rabto in ay ku ogolaato Nidaamka 4.5, gaar ahaana dhismaha mashaariicda waa weyn ee garoomada, Dekedaha, Jidadka, Deeqaha Caalamka iyo arrimo kale.

Puntland waxay doonaysaa in meelmar laga dhigo qorshe ay soo jeedisay oo ah in tan iyo 2020-ka inta laga gaarayo deeqaha magaca Soomaaliya lagu bixiyo si toos ah ay u hesho, kana tanaasusho nidaamka 4.5.

Sidaas oo kale qodobo kale ayaa jira oo si hoose ay dhinacyadu uga wada hadlayaan, markaas ka dibna waxaa la aadi doona Hoolka Wasaaradda Caafimaadka oo lagu soo bandhigi doono heshiiska rasmiga ah oo ay goob joog ka yihiin Deeq bixiyaasha, Itoobiya, IGAD, Midowga Africa, Midowga Yurub, Turkiga, Talyaaniga iyo Imaaraatka Carabta.

Hoos ka Dhageyso Wareysi Wararkii ugu dambeeyay ee Kulamada Puntland:-