DHAGEYSO:- Wararkii ugu dambeeyay ee Shirarka ka socda Garoowe

0

Waxaa wali ka soconaya Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland wada-hadalo u dhexeeya Puntland iyo Wafdi uu Hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya oo Mudo 10 Cisho ah ku sugan Puntland.

Wada-hadalka oo aysan muuqan ilaa hadda wax Natiijo ah oo laga gaaray ayaa waxaa jirta Xoogaa isku soo dhawaansho aan sidaa u buurneyn oo Labada dhinac ah.

Maanta Magaalada Garoowe waxaa laga sugayaa Wafuud kala duwan oo kala hogaaminayaan Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya ,Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Wararka ayaa sheegaya in maanta ama beri ay u badan tahay in Khilaafka ku saleysan 4.5 ee u dhexeeya Puntland iyo Dowladda federaalka Xal laga garo oo la shaaciyo Natiijada Heshiiska.

Hoos ka Dhageyso Codka:-