DHAGEYSO:- Maamulka Koofur galbeed oo soo saaray amaro la xiriira amniga

0

Guddiga amaanka maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa waxa ay bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ku aadan sidii ay ku sugi lahaayeen amaanka maamulka Koonfur Galbeed.

Guddiga ayaa sidoo kale waxa ay soo rogeen amaro ku aadan in aan la dhigi karin Baabuurta meelaha ay dadka isugu yimaadaan.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhanka kale waxa ay wadaan baaris ay ka sameynayaan xaafadaha ku yaalla magaalada Beydhabo, kuwaas oo lagu sugayo amaanka guud.

Waxaana guddigan ay horey u sameeyeen in ay qaadaan isbraarooyinka yaalla wadooyinka soo gala Beydhabo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-