DHAGEYSO:- Maamulka Gobolka Gedo oo sheegay iney qaadayaan howl galo ka dhan ah Al-Shabaab

0

Maamulka gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegay in uu amar ku bixiyay in la qaado howlgallo ka dhan ah ururka Al-shabaab, waxaana waxaana amrkaasi la siiyay maamulada degmooyinka.

Sheekh Maxamed Xuseen Al-qaadi ayaa warbaahinta u sheegay in maamulada laga doonayo in ay ku dhaqaaqaan howlgalkan ka dhanka ah ururka Al-shabaab.

Howlgalkan maamulka gobolka Gedo uu amray in looga saarayo ururka Al-shabaab deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolkaasi ayaa ku soo aadaya, xilli maamulka Jubbaland uu qaban qaabinayo howlagallo ka dhan ah Al-shabaab kuwaas oo laga sameynayo gobolada Jubooyinka iyo gobolka Gedo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-