DHAGEYSO:- Dowladda Sommaaliya oo Hal Milyan oo Doolar u dirtay Maamulka Somaliland

0

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland u dirtay wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed oo ka kooban Sheikh Nuur Baaruud Gurxan iyo Maxamed Xasan Xaad.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay in ku dhawaad hal milyan oo doolar in loogu deeqay dadka abaaraha ay ku heystaan deegaanada Somaliland, kuwaasi oo ay ugu daran tahay dadka ku nool gobolka Awdal.

“Waxaan maanta halkan isugu nimid in aan sagootino wafdi ka kooban qeybaha bulshada oo isugu jira culimada,Ganacsatada iyo Odayaasha Dhaqanka kuwaas oo u baxaya sidii ay gargaar dag dag ah u gaarsiin lahaayeen dadka ay aafeysay abaarta ba’an ee saameysay gobalada Owday iyo Sanaag taas oo Baadkii iyo Biyihii ay Ka Go’een Xaaladduna iskuna badashay Aafo Qaran”Ayuu Yiri Mudane Carte.

“Lacagtaan Waa Hordhac Waxaa iska Soo Gooyay oo walaalohood ugu deeqay laga Soo Bilaabo M.weynaha Guddomiyaha,Baarlamaanka,Xukuumadda iyo Shaqaalaha Dowladda, walina waxaa harsan yaboohii shacabka soomaaliyeed, waxaana mahadcelin ballaaran u jeedineynaa dowladda Soomaaliya iyo Masuuliyiintii Qaatay Go’aanka lagu gargaarayo dadka ay abaartu Afeeysay, mana ahan wax istustus ah ama mid siyaasadeed, soomaaliya oo dhan ayey abaaru ka taagantahay Alle ayaana ugu dhawaaneynaa in aan dadkaas u gargaarno”.

Hoos ka Dhageyso Codka:-