DAAWO:- Al-Shabaab oo markii ugu horeysay ka hadashay dagaaladii ka dhacay Puntland

0

Afhayeenka Guud Ururka Al Shabaab, ayaa wuxuu qiray 14-kii bishii March in Xoogaga Ururka Al Shabaab ay duulaan ku qaadeen Maamulka Puntland, inkastoo dagaalkaasi lagu soo jebiyay.

Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo la hadlay Warbaahinta afka Shabaabka ku hadasha, ayaa sababta ay u weerareen dhulka Puntland ku sheegay, sidii ay u gaarsiin lahaayeen Shareecada Islaamka.

“Hadafka dagaalka laga lahaa wuxuu ahaa sidii sharciga Alle loo gaarsiin lahaa, loogu maamuli lahaa Deegaanada Waqooyi Bari, loogana dulqaadi lahaa Maamulka Puntland. Dagaalkaas oo Al Shabaab ay ku bixisay naf iyo maalba.” Ayuu yiri Afhayeenka Guud Ururka Al Shabaab.

Afhayeenku wuxuu geesiyaal ku tilmaamay xoogagii la dagaalamay Ciidanka Puntland, isagoo Alle uga baryay inuu ka aqbalo waxa uu ku sheegay wanaagii ay u galeen Diinta.

“Waxaanu leenahay geesiyaashii u babac dhigay cadowga, Ilaahay ha idinka abaalmariyo abaalkii iyo wanaagii aad u gasheen camalka Islaamiga ah iyo ehelkiisaba.” Ayuu yiri Afhayeenka

Cali Maxamuud Raage, ayaa sheegay in dagaaladan ay muujiyeen inta uu gaarsiisan yahay waxa uu ku sheegay daba dhilifnimada Puntland, iyadoona uu xusay inay gurmad weydiisatay Reer Galbeedka iyo Itoobiya.

“Dagaaladaas waxay soo ifbixiyeen inta ay gaarsiisan tahay daba dhilifnimada Maamulka Puntland, kaasoo gurmadkii ugu horeeyay ka dalbaday xulufada NATO iyo Itoobiya. Dhanka kale waxaa Alle Mahadiisa ah inuu cadowgu la kulmay dharbaaxooyin culus, mudadii ay dagaaladaa socdeen naf iyo maal intaba.” Ayuu yiri Cali Maxamuud Raage.

Wuxuu kaloo sheegay marka laga soo taggo khasaaraha dagaalka ay ku gaarsiiyeen Puntland in duulaankoodaasi uu sababay qal-qal amni iyo siyaasadeedba, oo ku timid sida u sheegay danaha Reer Galbeedka ee dhulka Puntland.

“Waxaa barbar socday khasaarahaas nafeed iyo kan maal qal-qal amni iyo qalalaaso siyaasadeed oo argagax wayn ku abuurtay danaha Reer Galbeedka ee deegaanadaas, kuwaas oo boob xad dhaaf ku wada khayraadka ummada Muslimka ah ee dhex ceegaaga dhulkan aynu ku nool nahay.” Ayuu yiri Cali Dheere.

Cali Dheere, ayaa qabaa’ilada Somaliyeed ugu baaqay inay isaga taggaan ku dhaqan qabyaaladda, isla-markaana ay gacan ka gaystaan sidii dalka looga hirgelin lahaa ku dhaqanka Shareecada Islaamka, sida uu yiri.

Hoos ka Daawo Muuqaalka:-