DHAGEYSO WAREYSI:- Wada hadalada Dowlada iyo Puntland oo meel wanaagsan maraya iyo Heshiis la gaari rabo

0

Magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa waxaa wali ka socdo shirarka gaar gaar ah oo ay leeyihiin wafdiga ra’iisul wasaaraha dowlada Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Garowe ayaa waxaa haatan la dareemayaa isku soo dhawaansho u dhaxeeya dowlada iyo maamulka Puntland.

Wararka aan ka heleyno magaalada Garowe ayaa sheegaya in maanta magaalada ay tagayaan wafdi ka socdo beesha caalamka.

Wafdiga ayaa waxaa hogaaminaya wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Kaeting.

Waxaa warar aan heleyno ay sheegayaan in Puntland ay ku dhow dahay iney aqbasho nidaamka 4.5 oo lagu soo dhisayo aqalka hoose ee baarlamaanka, kadib markii ra’iisul wasaaraha dhankiisa uu aqbalay qodobo Puntland ay soo bandhigtay oo ay kamid tahay in deeqaha caalamka Puntland ay toos u hesho.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-