TOP NEWS:- Maamulka Puntland oo gacanta ku dhigtay Ruux hubeysnaa oo ku sugnaa Boosaaso

0

Shir jaraa’id oo ay qabteen Saraakiisha amniga ee Puntland, gaar ahaana Taliyaha ciidamada Booliska ee Puntland Jeneraal Cabdirisaaq Afgaduud ayaa sheegay in ay soo qabteen nin hubeysanaa, iyadoo lasoo bandhigay ninkan iyo Bistoolad uu ku hubeysanaa.

Saraakiisha ciidamada amaanka ee Puntland ayaa sheegay iney heegan buuxa ku jiraan ciidamada amaanka ee Puntland, kuwaasi oo ka feejigan weerarada Alshabaab.

Saraakiisha waxay sidoo kale sheegeen iney baaritaano ku wadaan ruuxa laga shakiyay ee la qabtay isaga oo bastoolad wata.

Jeneraal Afgaduud ayaa balan qaaday in ay Sharciga horkeeni doonaan cid kasta oo lagu helo dambiyo abaabulan, wuxuuna cadeeyey in ay ciidamadu xooga saarayaan sidii loo fashilin lahaa isku day kasta oo ay kooxaha Nabadgalyadda ka soo horjeeda ku doonayaan in ay ku dumiyaan amaanka.