TOP NEWS:- Illaa afar ruux oo maanta siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Muqdisho

0

Kooxo Hubeysan oo watay gaari ayaa maanta si kala gaar gaar ah illaa afar ruux ugu dilay magaalada Muqdisho, iyadoo dadka la dilay ay ka tirsanaayeen Ciidamada Nabadsugida.

Wararka ayaa sheegaya in maanta barqadii kooxo hubeysan oo gaari wadatay ayaa degmada Wadajir ku dilay labo ruux oo mid uu Sarkaal ahaa, kadib markii la rasaaseeyay gaari ay la socdeen.

Sidoo kale weeraro kale oo noocaan ah ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Boondheere, kaasoo lagu dilay illaa labo ruux kale oo iyana la sheegay inay ahaayeen Saraakiil.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in gaari la rasaaseeyay uu ceyrsanayay gaari kale oo ay saarnaayeen rag hubeysan, waxaana markii ay u dhowaadeen ku fureen rasaas.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay ka dambeysay weerarada, isla markaana ay dileen saraakiil ka tirsan Nabadsugida.

Ma jirto illaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Laamaha ammaanka dowladda oo ku aadan weerarada kala duwan ee maanta ka dhacay Muqdisho.

Arbacadii ayay aheyd markii rag hubeysan oo gaari watay ay rasaaseeyeen gaari ay la socdeen shaqaale Turkish ah, waxaana weerarkaas lagu dilay labo muwaadin Turkish ah oo ay wehliyeen saddex ruux Soomaali isugu jiray, Turjubaan, nin Ilaalo ah iyo darawal.