Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya oo lagu wado inuu gaaro magaalada Garoowe

0

Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa lagu wadaa maalmaha soo socda inuu soo gaaro magalo madaxda Puntland ee Garoowe, si uu qayb uga noqdo wada-hadalada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland.

Michael Keating oo hada ku sugan Muqdisho ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda tagi doono magaalada Garoowe, waxayna u badan tahay inuu goob-joog ka noqonaya wada-hadalada dabada dheeraad ee labada dhinac u dhaxeeya, kaasoo Dowlada Federaalka Soomaaliya ku doonayso in Puntland ku qancisyo hananka wax ku qaybsiga awooda qabiilka ee 4.5 kaasoo lagu saleeyay aqalka hoose (Baarlamanka) balse xukumadda Gaas iyo shacabku ay hal mar nidaamkasi diideen.

Michael Keating ayaa lagu wadaa inuu cadaadista Puntland saaran sii xoojiyo si doorashada ka harsan wax ka yar shanta bilood si wada-jir ah looga wada qayb galo, walow aan la ogayn siday Puntland u badali karto go’aankeedii hore.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha oo maalintii 7-aad ku sugan magalada Garowe ayaa wax natiijo ah ka gaarin wada-hadalka ay ku jiraan Puntland, maadama si kasta oo ay sameeyeen Puntland ka fujin waayeen in laga tanaasulo 4.5.

Madaxwaynihii Puntland Cabdiraxmaan Farole ayaa sheegay RW,Somalia inuu u muuqdo mid u Olalaynaya Xasan Shiikh Maxamuud mar uu la hadlayay warbaahinta gudaha ayuu sheegay inay go’aan midaysan nidaamka 4.5 ka gaareen.