DIGNIIN: Ex Wasiir Axmed Cali Salaad (Taako) Oo Bulshada Uga Digay Akoon Been Abuur Ah Oo Barta Facebook-ga Looga Furtay Magaciisa.

0

Anigoo ah Axmed Cali Salaad (Taako), Waxaan ummadda Soomaaliyeed, inta i taqaan iyo saaxiibadayba lasocodsiinayaa in magacayga lagu furtay akoon Facebook la yiraahdo Wasiir Axmed Taako kaasoo lagu sharxay masawiro aan leeyahay oo laga soo goostay internetka.

Haddaba walaaleyaan waxaan idiin caddeynayaa in la igu been abuurtay oo aanan lahayn akoonka facebookga WASIIR AXMED TAKO ku qoran tahay iyo midkale toona, mana isticmaalo mana lihi akoon facebook ah. Waxaan kaloo ka digayaa in ammaan iyo xumaan wixii lagu qoro facebook Wasiir Axmed taako inaanan masuul ka ahayn.

Waxaan dhamman inta itaqaan iyo inta aan i aqoonba ka codsanayaa inay iska saaraan iskana block gareeyaan akoonkaas Wasiir Axmed Taako. Waxaan si gaara oo islaanimo leh uga codsanayaa qofkaas igu been abuuranaya, inaad ALLIHII na abuurtay aad ka baqdo ood iga dayso been abuurka aad igu samaynayso oo ah wax aanan raali ka ahayn, akoonkaasna aad xirto cafisna i weydiisato.

Mahadsanidin,

Axmed Cali Salaad (Taako)
taako2000@gmail.com