DHAGEYSO:- Dowladda oo sheegtay inay joogto yihiin howlgalada ay fulinayaan ciidamada sida gaarka u tababaran ee Kumaandooska

0

Dowladda Federalka Somaliya ayaa sheegtay inay joogto yihiin howlgalada qorsheysan ee ciidamada Kumaandooska Somaliya ay ka fulinayaan goobaha ay ku sugan yihiin Ururka Al Shabaab.

Abaanduulaha ciidamada Xooga dalka Somaliya General Cali Baashi Maxamed Xaaji Cumar ayaa sheegay howlgalada qorsheysan ee ciidamada Kumaandooska ay geysanayaan inaysan aheyn kuwa hal maalin iyo hal habeen ku eeg.

Wuxuu sheegay ciidankaan oo taageero ka helaya Saraakiisha tababarka siisa inay sahmin ku sameeyaan goobaha ay ka howlgalayaan oo ay ka helaan macluumaad buuxa, kadibna ay ku dhaqaaqaan howlgalada qorsheysan.

“Habeen waliba ayeey fuliyaan waxyaabaha Qaaska ay fuliyaan waa waxyaabo ciidanka Xooga dalka Somaliyed iyo dadka tababara oo qaaska u ah ku xiran ayeey noqdaan, waxyaabo badan oo macluumaad ah waa ay jiraan, laakiin howlgalada ay fuliyaan waa joogto 24 saac ayuu socdaa, ciidankaan ma’ahan shacab iyo ciidan ka howlgala guri ma’ahan waa ciidan soo hubiya meesha ay ka howlgalayaan mana ka dagaalamaan meel shacab ay joogaan.” Ayuu yiri Abaanduulaha Ciidanka Xooga dalka.

Hadalka Abaanduulaha ciidamada Xooga dalka Somaliyed ayaa ku soo aadaya, iyadoo Millateriga Somaliya uu sheegay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Degmada Tooratoorow ciidamada Kumaandooska inay ku dileen madaxii amniyaadka Shabaab Xasan Cali Dhoore.

Ciidamada Kumaandooska ayaa sidoo kale horay waxa ay howlgal qorsheysan uga fuliyeen Degmada Awdheegle oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose, howlgalkaasi oo lagu dilay rag Shabaab ka tirsan, kuwana lagu soo qabtay.

Ciidanka Kumaandooska Somaliya ayaa ah kuwa si gaar ah u tababaran, islamarkaana awood u leh inay fuliyaan howlgalo qorsheysan iyaga oo adeegsanaya Diyaarado Helicopter ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-