DHAGEYSO:- Booliska Gaalkacyo qaybta Puntland oo mamnuucay in Waqooyiga Gaalkacyo lagu dhigo Banaanbaxyo

0

Taliska Booliska Gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa ka mamnuucay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo in lagu dhigo Banaanbaxyo, xilli Waqooyiga Gaalkacyo uu ka dhacay Banaanbax lagu bartilmaameedsanaayay dadka ka soo jeeda Koonfurta Somaliya.

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobalka Mudug Gaashaanle sare C/laahi Shire Dool oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaan wax Mudaharaad ah laga dhigi karin.

Ka dib Khamiistii Qaraxii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee dadka ay ku dhinteen ayaa dad reer Gaalkacyo ah oo Qaraxaasi ka cadheysan waxa ay beegsadeen goobaha ay ku sugan yihiin dadka ka soo jeeda Koonfurta Somaliya, arintaasi oo noqotay mid faquuq ah.

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxa ka dhacay Gaalkacyo.

Deeganada Puntland ayaa waxaa si gaar ah loogu geystaa faquuq ku aadan dadka ka soo jeeda Koonfurta Somaliya oo inta badan dusha loo saaro falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka ee deeganadaasi ka dhaca.

Hoos ka Dhageyso Codka:-