AKHRISO:- Wararkii ugu dambeeyay ee Shirarka ka soconayo Garoowe

0

Wada-hadalada u dhaxeeya Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya ee Garoowe ku sugan iyo Madaxda Puntland ayaa ilaa iyo hada wax natiijo ah oo muuqata laga helin, kuwaasoo siyaabo kala duwan shacabka u hadal hayaan.

Warar madax banaan ayaa sheegaya labada dhinac ee wada hadalku u socdo inay heshiis gaareen, heshiskaasi oo la sheegay inuu ka kooban yahay sideed qodob, balse waxaan cadayn in Puntland 4.5 ogolaatay iyo in kale, walow wararka la helayo ayna sheegayaan in tanaasul uu yimi.

Puntland ayaa tan iyo markii lagu saleeyay soo xulista xildhibaanada Baarlamaanka hal-beega 4.5 dibada ka istaagtay taasoo keentay in shaqooyi badan oo la qaban lahaa dib loo dhigo lana qanciyo xukumadda Gaas, waxaase soo ifbaxaya inay jiraan sharuudo lagu xiray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdiga la socda kuwaasoo la sheegayo inay ka mid yihiin in dastuurkii la wada saxiixay dib loosoo celiyo in la bur buriyo guddiga heerka federaal ee Muqdihso lagu sameeyay kaasoo aysan mamulada dalka waxba lagala socod siin iyo in daaqaha Puntland si madax banaan qaybteeda u hesho.