TOOS U DHAGEYSO:- Kulan looga hadlaayay Sidii Al-Shabaab looga sifeyn lahaa Deegaanada Puntland oo lagu qabtay Boosaaso

0

Guddiga Amiga Gobolka Bari oo uu ka hormuud u ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland ayaa kulan looga hadlayay amaanka ku yeeshay magaalada Boosaaso ee xaruna Gobolka Bari.

Kulanka ka dib,ayaa Janaraal Cabdirisaaq Afguduud uu la hadlay Saxaafadda,wuxuuna ka Xogwaramay natiijada kulanka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Janaraal Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf Afguduud,ayaa sheegay in Puntland ay Cadow kuso duuleen isla markaana ay ka adkaatay Cadowga kuso duulay,hasa yeeshe ay adeegsanayaan falal fulaynimo ah oo loo Adeegsado dad aan waxba kala ogayn.

Janaraal Cabdirisaaq Afguduud ayaa sheegay in dharbaaxadii ku dhacday Shabaaab ay la mid ah ku dhici doonto magaalooyinka Puntland,wuxuu sheegay in kor loo qaaday amniga Puntland.

HALKAAN KA DHAGEYSO