DHAGEYSO WAREYSI:- Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo sheegay In Masjidka qaraxa ka dhacay ay ku sugnaayeen Takfiir

0

Guddoomiyaha gobolka hiiraan Yuusuf Axmed Xagar Yuusuf Daba-geed oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in qaraxu uu ka dhacay gudaha Masjid ku yaala deegaan dhawr KM u jira magaalada Baladweyne halkaas oo ay ku sugnaayeen kooxo uu ku sheegay in ay ahaayeen Takfiir Masjidka dhex daganaa.

“Qaraxa waxa uu ka dhacay masjid dhawr KM u jira B/weyne, 12 qof oo dhaawac ah ayaa laga keenay, 2 qof way dhimatay, 3 saac caawa ayuu qaraxa ka dhacay masjidka oo daaqadaha u xeran yihiin” ayuu yiri guddoomiye Yuusuf Daba-geed

Guddoomiye Yuusuf Daba-geed ayaa sheegay in hada uu baaritaan socdo islamarkaana lagu howlan yahay sida wax u dheceen, waxaase uu tilmaamay in loo badinaayo in qaraxa meesha lagu farsameynaayay balse la hubin doono ilaa birri hadduu alle idmo.

Dhanka kale guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa dhinaca kale sheegay in ragga dhaawaca ah ee la keenay Isbitaalka ay diideen in la daaweeyo iyagoo dhaqaatiirta iyo howl wadeenada Caafimaadka ku tilmaamay Gaalo.

“kuwii la keenay isbitaalka ayaa diiday in la daaweeyo, waxeyna ku tilmaameen howl wadeenada Isbitaalka in ay Gaalo yihiin oo aysan taaban Karin” ayuu yiri guddoomiye Daba-geed.

HALKAAN KA DHAGEYSO WARESYIGA GUDOOMIYAHA