DHAGEYSO WAR DEG DEG:- Dab khasaare geystay oo Goordhow ka kacay Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir

0

Wararka inaga soo gaaraya degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in khasaare hantiyadeed geystay uu ka kacay agagaarka Buundada ku taala degmada Xamar Jajab.

Waxaana la sheegay in dabka uu gubay 2 guri oo halkaasi ku yaallay,iyadoo masuuliyiin ka tirsan degmada Xamar Jajab ay halkaasi soo gaareen.

Gawaarida dab damiska ayaana goobta soo gaaray waxaana la sheegay in lagu guuleystay daminta dabkaasi.

C/qaadir Daahir Cali Diida oo ah wariye madax banaan oo ku sugan goobta uu dabka ka kacay ayaan ka wareyanay