DHAGEYSO:- Waa sidee Xaalada Beledweyne Maanta ?

0

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in ay degan tahay.

Waxaana saakay halkaasi lagu arkayaa ciidamada dowladda oo baaritaano sameynaya.

Xalay ayaa Masjid ku yaalla xaafada Howlwadaag ee Beledweyne waxaa lagu weeraray Bambo gacmeed, waxaana ay waxyeelo ka soo gaartay inka badan 10 qof, kuwaas oo ka mid ahaa Jameeco xilligaasi u taagnaa salaada Cishe.

Waxaana sidoo kale halkaasi ku geeriyoodey qof ka mid ah dadkii ku sugnaa Masjidka.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ah oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa ka warbixiyay sida ay xalay wax u dhaceen.

Xiriir aan la sameynay maamulka degmada ayaa waxa ay sheegeen in qaraxaasi uu jiro, inkastoo aysan faa faahin rasmi ah aysan ka bixin.