DHAGEYSO:- Puntland oo sheegtay iney heleen xog ku saabsan Kooxihii ka dambeeyay Qaraxii ka dhacay Gaalkacyo

0

Maamulka Gobalka Mudug ee Puntland ayaa sheegay in ay hayaan raadad waa weyn oo ku aadan sidii loo soo qaban lahaa kooxihii ka dambeeyey abaabulka qaraxii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaas oo ay ku dhinteen masuuliyiin ka tirsan Puntland.

Gudoomiye ku xigeenka gobalka Mudug Axmed Muuse Nuur ayaa sheegay in looga baahan yahay shacabka in ay joojiyaan wax keeni kara falal amaan darro, gaar ahaana banaanbaxyada oo uu sheegay in ay ku dhex dhuuman karaan kuwa falalka amaan darro fulinaya.

Gudoomiye ku xigeenku wuxuu qiray in ay hayaan raadad ku saabsan kuwii abaabulay falkan, oo ay hadda xariiro kala duwan la sameeyeen dawladda Dhexe, si gacanta loogu soo dhigo kooxihii ka dambeeyey qaraxii shalay dhacay.

Mr, Axmed Muuse wuxuu sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan in Cadaaladda la horkeeni kuwii ka dambeeyey weerarkan ee ka dambeeyay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-