WAR DEG DEG:- Ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia oo dad rayid ah ku xasuuqay deegaanno hoostaga Gobolka Mudug

0

Ciidamada Liyu Police ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa siyaabo kala duwan dad shacab ah maanta waxa ay ugu dileen deegaanno hoostaga Gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadu ay dileen Oday dhaqameed iyo Nin Mu’adin ahaa oo labaduba ka mid ahaa dadka degenaa deegaanka Daacdheer ee gobolkaasi Mudug.

Ilo deegaanka ah ayaa idaacada Shabelle oo ka mid kuwa Muqdisho ku yaala u xaqiijiyay in dilka labadaasi qof ay ugu wacantaahy ka gadaal markii shir ay la qaateen Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan maamulka Galmudug.

Liyuu Police ayaa horay loogu eedeeyay in illaa 50 qof oo shacab ah ay ku dileen deegaanada dhaca xadka ay wadaagaan ismaamulka Soomaalida Ethiopia iyo Gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Sidoo kale waxaa Xiisad isna laga soo sheegayaa deegaanka Kaxandhaale ee Gobolka Mudug.