TOOS U DHAGEYSO:- Xukuumada Soomaaliya oo Mar kale ugu yaboohday dadka Abaaraha ay saameeyeen Lacag dhan 1-Milyan oo Dollar

0

Kulanka Golaha Wasiirrada ee manta oo Khamiis ah ayaa looga hadlay Abaaraha ka jira Dalka iyo Amaanka,waxaana qodobada laga hadlay ka mid ahaa sidii wax looga qaban lahaa amniga magaalada Muqdisho oo shalay ay ugu dambeysay lagu dilay Lix Qof oo Soomaali iyo Ajaanib isugu jiray.

Dhanka kale Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in ay ku yabooheyso $1,291,000 (Hal Milyan ,Laba boqol Sagaashan iyo kow kun) oo Doollar.

Wasiirka Warfaafinta,Hiddaha iyo Dalxiiska Max’ed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ku dhawaaqay lacagta cusub ee a Dowladdu ugu yaboohday dadka ay abaaruhu saameeyeen,waxaana uu intaa ku daray Maareeye in Lacagtaasi laga soo bilaabo Madaxweynaha,Ra’isalwasaaraha,Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo shaqaalaha Dowladda ay bixiyeen.

Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa Xukuumadda ka dalbaday in ay da dajiso lacagtii hore ee ay ballan qaadday,taas oo aan wali garain Guddiga.

Abaarta ka jirta Dalka ayaa hadda waxaa ay sameysay inta badan gobollada Dalka iyada oo ay ugu daranyihiin Gobollad Waqooyi Galbeed gaar ahaan Gobolka Awdal.

HALKAAN KA DHAGEYSO