TOOS U DHAGEYSO:- Muwaadiniin Azerbaijan iyo Kenyaan ah oo la ogaaday inay waxyeelo ka soo gaartay Weerarkii lagu laayay Shaqaalaha Turkiga

0

Wakaalada Wararka Turkiga ee Anadol ayaa tabisay faahfaahinada dheeriga ee laga helayo weerarka lagu qaaday gaari nooca iskuulada oo ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Marka laga soo tago labadii qof ee Turkida ahayd ee weerarka Toogashada ku dhimatay waxaa ku jira qof kale oo Azerbaijani u dhashay.

Wasarradda arimaha dibada dalka Turkiga ayaa shegtay in weerarkasi ay cambaareynayso ayna safaradda Turkiga Somalia ku leedahay ay la socon doonto tirada Turkida kaga dhimatay weerarka Toogasho.

Gaari Nooca iskuulada oo ay la socdeen caruurta Turkiga ee ku nool Somaliya ayaa gaariga lagu weeraray oo macalimiintaasi ay ku dhinteen.

Dadka dhintay waxa kamid ah wadihii gaariga iyo qof Turjuman ah.

Dhawaca ayaa maraya 5-qof oo mid kamid ah uu yahay qof Kenyan ah.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid si rasmi ah u sheegtay weerarkaasi.Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa cambaareeyay weerarkaasi.

HALKAAN KA DHAGEYSO