TOOS GAALKACYO:- Faahfaahino dheeri ah oo ka soo baxaya Qaraxii ismiidaaminta ee ka dhacay Gaalkacyo

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qaraxii Saaka ka dhacay inta u dhexeeysa Hoteelada Capital iyo Unlaaye ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland.

Qaraxa ayaa waxaa Dadka ku dhintay  ka mid ah Xisaabiyihii Wasaradda Maaliyada Gobalka Mudug Siciid Cali Yuusuf oo ku magac dheeraa Gaadayare iyo Afar Askari oo ka mid ah Ciidamadii Ilaalinayay.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Qaraxa,iyadoo la sheegay in Qofka isku Qarxiyay Xisaabiyaha Guud ee Wasaaradda Maaliyada Puntland ee Gobolka Mudug uu ahaa Qof Salaamay,inta uusan is qarxi,waxaana sidoo kale Wararku ay sheegayaan in loo maleenayo Qarax Awood badan oo Gaariga Xisaabiyaha lagu soo xiray.

Saraakiisha Puntland ayaa wada Baaritaan ay ku Ogaanayaan Qaraxa iyo Cida Fulisay.

Sidoo kale waxaa jira Dad Shacab ah oo Qaraxa ay Waxyeelo ka soo gaartay,kuwaas oo aan Tiradooda la sheegin.