Haween Soomaaliyeed oo lagu Kufsaday Xerada Qaxootiga Kakuma iyo Dumarka Soomaalida oo si gaar ah loo beegsado

0

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Xerada Qaxootiga Kakuma ee dalka Kenya, Haween Somaliyed ayaa lagu dhex kufsaday Xeradaasi, sida ay

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan Kakuma waxay sheegeen in hadda ay doonayaan in dalkooda dib loogu soo celiyo maadaama dhibaatadii ay ka carareen mid ka daran ay la kulmayaan.

Waxa ay sheegeen Haweenka dhibaatooyinka ugu badan ee ay qabaani inay tahay Kufsi Xilliga Habeenki ah lagula dhaqaaqo, iyadoo loo soo gelaayo guryaha.

“Habeenkii guryaha ayaa loo galayaa haweenkii waa la kufsanayaa Booliskana wax ay ka qabanayaan arrinkaasi ma jirto, habeen hore Laba nin oo qoryo ku hubeysan ayaa soo galay mid ka mid ah guryaha Kakuma, waxay kufsadeen gabar Somali ah, sidoo kale waxaa jirta kufsi loo geystay gabar umul ah oo gurigeeda loogu dhacay, dhibaatadanna waxay u gaar tahay muwaadiniinta Soomaaliyeed.” Ayeey tiri Gabar ku nool Xerada Kakuma

Dhibaatadan ayaa la sheegay inay gaar u tahay Haweenka Somaliyed ee halkaasi ku nool oo noqday kuwa dhib u joog ah, waxaana ay qorsheynayaan inay dalkooda hooyo dib ugu soo laabtaan.

Xeryaha Qaxootiga dalka Kenya ayaa waxaa ka buuxa kumanaan Qaxooti ah Somali ah, kuwaasi oo dalkooda hooyo uga cararay dhibaatooyin kala duwan oo ay dalka kala kulmeen.