DHAGEYSO:- Siyaasi”PUNTLAND waa inay tanaasul sameysaa si Maslaxada Soomaaliya looga shaqeeyo”

0

Magaaladda Garowe ee xarunta Maamulka Puntland waxaa ka socda kulamo Puntland loogu qancinayo sidii ay u qaadan leheyd  nidaamka 4.5.

Waxaa halkaasi ku sugan wafdi uu hogaaminaayo Raysilwasaraha Soomaaliya Cumar C/Rishiid Cali Sharma’arke, waxaa sidoo kale kulamadaasi ku biiray xubno ka socda beesha caalamka.

Maamulka Puntland waxaa loogu baaqay in ay sameyso tanaasul iyadoo fiirineysa xaaladda uu maanta dalka ku jiro.

Diplomaasi hore Maxamed Maxamuud Caalin oo ku sugan dalka finland oo lahadlay  Mustaqbal ayaa ku sheegay in Puntland looga baahan yahay in ay sameyso tanaasul.

Beesha Caalamka ayuu sheegay in aan laga maarmin xilligan,waxaana uu intaa raaciyay in Dhaqaale ahaan Dowladdu ay ku tiirsan tahay Beesha Caalamka

HALKAAN KA DHAGEYSO