DHAGEYSO:- Ra’iisul Wasaare Cumar oo ciidamada Dowlada ku amray inay gacanta ku soo dhigaan shaqsiyaadkii ka dambeeyay Weerarkii lagu dilay Shaqaalaha Turkiga

0

Raislwasaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid oo garoowe ku sugan ayaa warsaxafadeed uu soo saaray ku cambareeyay weerarkii lagu qaaday Dhakhatiir Turki ah oo ku suna Muqdisho waxana uu u qorna qoralka Raisulwasaraha sidaan hoose.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii waxashnimada ahaa ee lagu laayey dhaqaatiir isugu jirtay Soomaali iyo Turki xili ay gar-gaar u fidinayeen dadkeena Soomaaliyeed, kuwaas oo ka howl gali jiray xarun caafimaad oo ku taal magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa fal fuleynimo ku tilmaamay weerarkii galabta lala beegsaday dhaqaatiirta ka howgalayay Isbitaalka Deva, kaasi oo adeegyo caafimaad u fidiya shacabka xanuunsan ee Soomaaliyeed, wuxuuna Alle uga baryay intii dhimatay inuu Janadiisa ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna bogsiiyo, “Waan la xanuunsaneynaa walaalaheena Turkiga ee iyaga oo shacabkeena gargaaraya la dhibaateeyay, waana la murugooneynaa shacabka iyo dawladda Turkiga” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay Shacabka Soomaaliyeed marnaba in aysan ka weecin doonin wadada toosan ee horumarka, falalka guracan ee kooxaha sharwadayaasha ah ay geysanayaan, wuxuna ku baaqay in gacan la siiyo Ciidamadda Ammaanka si looga hortago kuwa dhibaatada geysanaya

HALKAAN KA DHAGEYSO