Sawiro Cusub oo laga soo qaaday ninkii afduubtay diyaaradii Masar

0

Dowladda Cyprus, ayaa waxay magaca ninkaasi ku sheegtay Seif Eldin Mustafa, waxaana uu u dhashay dalka Masar, oo ah halka uu diyaaraddu ka soo qafaashay.

Diyaaradan oo tirsigeedu uu ahaa A320, ayaa ka amba baxday Magaalada Alexandria, waxayna ku wajahneyd Magaalada Qaahira Ee Xarunta Masar.

Ninkan, ayaa shaqaalaha ku amray in si deg deg ihi diyaaradda loogu weeciyo dhinaca Cyprus, isagoo u sheegay inuu xiran yahay suunka ka samaysan walxaha qarxa, haddii aan sidaa la yeelina uu is qarxin doono.

Maamulka Egypt Air, ayaa qoraal ku sheegay in wada hadalo lala galay ninkaasi ay horseeday in diyaaradda si nabdoon looga soo dejiyo rakaabkii la socday.

Mid ka mid ah shaqaalaha diyaaradda oo muuqaal ka soo muuqday, ayaa Saraakiisha Cyprus ee Garoonka Larnaca ku soo wargeliyay in afduubuhu waxa uu wataa, uu yahay qarax been abuur ah.

Diyaaradda waxaa saarnaa 56 rakaab ah iyo lix shaqaale sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha ammaanka. Bilowgii hore waxaa soo baxay warar sheegayay in 81 rakaab ihi ay diyaaradda la socotay.

Cidina waxba kuma noqon falkaasi, sida uu xaqiijiyay Afhayeen Dowladda Cyprus u hadlay oo lagu magacaabo Nikos Christodoulides.

Madaxweynaha Cyprus, Nicos Anastasiades oo Saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay inaanu falkani wax xirir ihi la lahayn arrimo argagaxiso, balse uu yahay mid ay ku shaqo leedahay buu yiri haweeney ama xaas.

Ninkani, ayaa waxaa la leeyahay waxaa uu doonaayay inuu la hadlo xaaskiisii oo ka soo jeeday Cyprus, waxaana uu hadda ku jiraa gacanta ammaanka, iyadoo aanay kala cadayn waxa laga yeeli doono.

Dhacdadan waa fal ku cusub caalamka, maadaama bilowgii hore lala xiriirinaayay ururada argagaxisada ee dunida ka jira, waxayse arrintu wax lagu qoslo noqotay markii uu ninkani sheegay inuu u socdo, sidii uu xaaskiisii ku heli lahaa.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

An Aberdeen man posed for a photo with a hijacker who used a fake suicide belt to take control of an Egyptian plane. Oil and gas industry auditor Ben Innes, 26, took a picture with a man identified by Cypriot officials as Seif Eldin Mustafa.
Eldin- Eldin3 Eldin4 Eldin5 Eldin6 Eldin7 Eldin7- Eldin9 Eldin91 Eldin93 Eldin95 Eldin96 Eldin992 Eldin996