QAYLADII PUNTLAND EE 4.5 OO KU SOO DHAMAATAY CUNTAAN RABNAA! IYO SHARMAARKE OO LAGU HAYSTO MAXAAD SOOMAALI U TAHAY?

0

Soomaaliya waxaa ugu danbaysay dawlad la aqoon sanyahay,1990kii intaysan bilaaban dagaalada sokeeye.dawladii uumadaxwayne ka ahaa illaahay ha u naxriiste Maxamed siyaas bare ayaa u danbaysay wax dawlad rasmi ah oo caalamka la ga aqoon sanyahay ka dawlad ahaan. ilaa maanta waxaan nahay dal aan lahayn dawlad rasmi ah.ma inkirayno isku day farabadan iyo geedi socod in uu jiro ay ugu danbayso tan hada Madaxwayne xasan sheikh u yahay madaxwaynaha. laga bilaabo cali mahdi dawladiisii,cabdiqaasin,cabdullaahi yusuf,shariif iyo xasanba waa uun isku dayid sidii bal mar uun loo heli lahaa dawlad soomaaliyeed oo rasmi ah oo shaqaysa dalkana hanata guud ahaan.nasiib daro ilaa hada mahayno dawladaas aan wada sugayno.

Maalinba maalinta kadanbaysa waxaad arkaysaa soomaalidii oo sii jilcaysa,oo dalkoodiiba ugacan galinaysa ajinabi horor ah oo dareemay in soomaaliya ay baylah tahay.hayeeshee waxaad moodaa waayahan danbe in soomaali uguurtay hab fadaraal ah,iyadoo mindhaa qolooyin soomaaliyeed iyo ajinabiba u arkeen in dalkaan sida ba an ukala tagsan sida laysugu keeni karo ay tahay uun nidaam fadaraal ah.nin u arkayay habkan mid sax ah iyo nin ay uula muuqatay in fadaraalku ina anfacaynba aakhirkii hada wax diidan fadaraal mahayno oo waa loo dhan yahay in dawlad lagu dhisto nidaamkaas.ma oranayno cidwalbaa waa ku qanacsantahay fadaraalka ee waxaan leenahay waa laqaatay.

Waxa timid in sanadkan 2016 habkii dawlad loo dhisilahaa oo lagu dooran lahaa madaxwayne dalku yeesho ay kawada tashadeen dawlada dhexe ee fadaraalka iyo dawlad goboleedyada kamid ka ah fadaraalka.dhab ahaan waxaa wax wayn ahayd in ay isu yimaadaan,wada hadlaan go aana isla gaaraan.waa dadaaleen intay kareen,waase is qancin waayeen ilaa xad.kulankoodu waxa uu ahaa sidii dawlad fadaraala lagu yaqiin oo ah dawlada dhexe ee fadaraalka iyo maamul goboleedyadii ama states kii oo katashanaya aayaha dalka waa sax,laakiin awooda waxaa leh dawlada fadaraalka ah marwalba hadii aynu ka hadlayno fowdo waa gaar. hadii go aan lagaari waayay ah in habka looguurayo si isqancin ah oo danta dalka ah laysugu raaci waayay waxaa waa jib noqonaysa in dawlada dhexe ee fadaraalku go aan cad gaarto. hasa yeeshee dawladii dhexe waxay gaartay go aan cad oo ah in doorashada soosocota bisha ogoosto lagu galayo 4.5 sibuuxda ayaa maamulgoboleedyadii fadhiyay ugu raacaan. gobol iyo hal maamul oo diiday midna majirin. waxaa iyana raacay beesha caalamka si buuxda go aankaa dawlada ee ay gaareen madaxda qaranku sida madaxwaynaha iyo rasulwasaaraha.

PUNTLAND IYO DOORKA 4.5 XAQIIQDA JIRTA.

Puntland waxaa madaxwayne ka aha nin layna yiri waa aqoon yahan oo layiraahdo dr gaas.ragbaa hortii soo maamulayay puntland hayeeshee waxaan aragnay umuuro aana halkan ku soo koobi karin oo ugub ku ah siyaasada puntland iyo dhaqanka shacabka puntland intaba.waxaa nagu cusub go aan qaadasho la aan iyo madaxwayne beenaale ah.dhaqanka shacabka puntland waxaa kamid ah in uu takooranyahay ceebna ay tahay nin wayn oo beenaale ah iska daa haduu madaxwayne yahay ee!! siyaasada puntland kamid maha go aan qaadasho la aan.labadan waxaa layimid aqoon yahan dr gaas.waxaan aad uga xumahay in soomaalidu aysan a baarin runta iyo xaqiiqda jirta ninkooda qar ka tuurayana ay dugsadaan qabiil awgiis.sidani raganimo maha iyo dadnimo lamana dugsado doqon.

Dr gaas waxa uu sibuuxda u sixiixay u ogolaaday soo jeedintaa 4.5 isagoo lamid ah jubalnad,koonfur galbeed,galmudug iyo dawlada dhexe ee fadaraalka ah.allaah ha u naxariistee carays ciise ayaa laga sheegay” ruux kaliya oo laba waji leh mas alo weeye aanan maqal” dr gaas isagaa abuuray markuu arkay qaar siyaasiyiinta puntland ah oo leh marabno 4.5 in uu u nacamleeyo oo hoosta uuga ololeeyo in ladiido 4.5 ilaa shacabkii puntland qofwalbaa lakiciyay oo diidmo lagu beeray,dhanka kale dr gaas sharmaarke iyo xasan iyo beesha caalamkaba waa ku raacsan yahay arinkan 4.5 isagoo ku beer la xawsanaya dhib baa i haysta ee i caawiye shacabkaygii ayaa diidan dhibku waa shacabka.ogoow ninkani dr gaas puntland ayuu fidno iyo mashaakil aan loo baahnayn galiyay. waxa uu abuuray oo ku soo hogaamiyay puntland colaado iyo dhib aanba loo baahnayn. majirto cid qasbi lahayd haduu miiskii wada hadalka bareerihiisa dhiiban lahaa oo diidi lahaa,hadii uu ogolaan lahaana dhib mayimaadeen laakiin go aan daridii ayaa dhashay laba wajiilanimada iyo in puntland shacabkeedii wareer galo iyo xasilooni daro siyaasadeed.nin leh waan rabaa 4.5 hadana leh maraba 4.5 ma rabo iyo waan rabaa waa laba masalo oo kala fog isku macnana aan ahayn.

Aduunyada waxaa u daran ninka inta col kugu soo hogaamiyo uu heshiis layahay,hadana ku yiraahda iska celi oo aan difaac galo!! dr gaas waxa uu ku doodaa sharci baa lagu xadgudbay,iyo heshiisku ma ahayn in 4.5 lagu noqdo; waxaad tan ku iloowdaa wixii ka waynaa arintaan oo ahaa in dhulkuu kataliyo dr gaas ee loo dhiibay madaxwaynahana looga dhigay ee lagu aaminay,away? sawtan mudug la qaatay ee la raaciyay galguduud ee hada ay tahay galmudug? hadaynu sharciga iyo dastuurka dalka uu dr gaas ilaalinayo sidee ayuu ku aqbalay gobol iyo bar in uu noqdo state? hadii dr gaas oo wax ku doodayo muxuu ugu doodi layahay dhulkiisan laqaatay? hadaan la qaadan sidee galmudug ku tahay state lamid ah puntland iyo jubaland iyo koonfur galbeed? Adeer nin tan ka doodi waayay shacabka puntland maxaa ka galay wax soomaali uwada dhexeeya qaadashadeed? dr gaas waa khaa in baa bi inaya puntland horana waa u sheegay in ay iska qabtaan,laakiin yaan la dilin la xirin hala masaafuriyo hayna dhaafo fidno oo dhan waa isaga.

Puntland oo mid ah ayaa loo dhibay hadana mudug baa maqan,anagoo hamigayagu yahay in aan ssc dib usoo ceshano oo khaatumo dhisno yuu dib noo celiyay oo dhiibay mudug.run ahaantii ma haboonayn in shacabka puntland lagu wareeriyo riwaayad aan jirin,oo laysaga dhigo sidii wax diiday 4.5 hadana ay taagan tahay,lacag aa laynasiinaa aan cunto ku cuno iyo garoon aa laynoo dhamaystiraa waa gorgortamaynaa wax baan helaynaa!!! waxayba puntland u ekaatay kuwii iimanka la aa ee mogdisho maxaan cunaa uun aykaga soo hartay.
waxa lala qaylinayay waxay kusoo uruurtay cunta isii aan aamusee!! dhabtu waxaa weeye in hadaad tihiin shacabka puntland aad ogaataan in dr gaas iyo beelaha qaarkood iyo siyaasiyiinta qaarkood oo iswataa ku jiraan kana mid yihiin habkan 4.5 ee la go aamiyay.waxa uu dr gaas kala dilay shacabkii iyo beelihii iyo siyaasiyiintii puntland mana jirto wax aamin danbe ah oo laysugu imanayo marba hadii masiirkuu umada sidan loo khiyaameeyay.Adeer nina doqon maha ilmaha yar ayaa arka xaqiiqda.kolay anigu laga bilaabo shirkii mogdisho ee lagu go aamiyay 4.5 waan idiin cadeeyay xaqiiqda jirta ee dr gaas idinku khiyaamayo.

Laba arimoodba mid walba waa fahmi karaa,in puntland ay si cad sida maamulada kale u cadaysato waxay gaartay oo laraaco 4.5 waa sax waayo waa go aan.

in la diido gabi ahaanba 4.5 lagana mid noqon wax ku qaybigiisana waa sax,mana jirto cid khasbi kartaa rabitaanka puntland,khasabna maha in ay soomaali ka go do oo cid ku khasbi kartaa arinkaa majirto.waad aragtaan ninbaa yiri dawlad gooni ah oo soomaali kamadax banaan ayaan ahay,oo sheegta wax layiraahdo somaliland cid beentiisaas ku haysata oo khasbaysana ma hayno mana jirto.wax baa la khasbayaa adeer meesha kuma jirto,waayo shisheeye dhulka ilama laha sokeeyana tabar uu isku khasbo mahayo oo 25 sanadood ayuu marayaa ismana khasbin.waa been cid baa cid khasbaysa laakiin waxaa run ah puntland baa is khiyaamaysa.

SHARMAARKE

Raysalwasaare sharmaarke waa nin kasoo jeeda qoys siyaasadeed,oo leh haybad iyo sumacad umada soomaaliyeed dhexdeeda.sharmaarke waa nin jecel in uu arko soomaaliya oo hagaagta sida wadani kastaa arinkaa u jecl yahayba.waxaan wada ogsoonahay in ay u siman yihiin umada soomaaliyeed sharmaarke,oo uusan ahayn sida siyaasiyiinta qaarkood mid taageersan gobolgaara iyo dagmo gaara.hadaba sharmaarke mogdisho ayuu fadhiyaa oo xafiiskiisu yahay danta soomaaliyeed ayuu u taagan yahay mana aha nin puntland ah ee waa nin soomaaliyeed.waxaa haboon in qofka lagu qiimeeyo waxa uu yahay,raysalwasaaruhu xaq buu uleeyahay in uu talo ku raaco madaxwaynihiisa si cad.sharmaarke puntland waxba uma dhimin laakiin ma runtuu eedaya ah war hayska waalinina waxaad hore u aqbasheen!! shacabka puntland sharmaarke uma sheegin wax isdaba maryo iyo been ah midna. hadaba aqligu ma ogola in aan maanta ni raahno maxaad mogdisho nooga raacday oo aad puntland u taageeri wayday? aqli maha in aan niraahno maxaad soomaali utahay oo aad dadka u simaysaa? puntland u hiili aqlimaha oo iga hiili soomaalida kale? sharmaarke waxaa loo hiifayaa oo loo colaadinayaa dawmaha gara looguma laha ee ka gaab sada.edeb u raaca taladiisa iska daaya riwaayada iyo macno darada baahday.

cidwalba haku boodina!! Anagoo ah hartiga xalaasha ah (waa kuwa neceb,eexda,xaqiirnimada.kala qoqobka,qabyaalada,soomaali bisnimada,fawdada,dal dumiska,dawdarnimada, dawlad la aanta,badalkeeda jecel,diinta,dad isu keenka,soomaalinimada,wadaniyada,sinaanta,cadaalada,xaqsoorka,madaxbanaanida,xoriyada iyo xaqdhawrka,dawlad nimada) uma aragno sharmaarki arinkiisa markay halkaan taagantahay khalad. waayo wax soomaali iskuwada raacday loona arkay in xaaladan looga gudbo,hadana aydaan si sharafleh oo mawqif cad ah aydaan xataa u diidin in aad sidan samaysaan sharmaarkaa idiinka toosan mana aha inaad maroodi bakayle ku dheerarisaan hadaan kaftamo!!. waxaan uga digaya hadalada xanafta leh ee aan loo fiirsan ee weebka puntland qaarkood qoreen kuna saabsan in cumar badi rashiid rabo masab siyaasadeed iyo wax lamid ah oo ay ku durayaan,hayeeshee mansab siyaaso sharmaarke kuma cusba,waana khalad in la faro galiyo mustaqalka siyaasadeed ee wadaniga soomaaliyeed uwada tartamayo cidna kama reebana hadaba madaa adeer sharmaarke ka dhigay rasalwasaare adoo puntland ah mise sharafkiisa,haybadiisa iyo umada soomaaliyeed marka laga reebo ogolashaasha iyo qadarta alle.dangaara kama lihi sharmaarke laakiin dadka meel cidla ah laga maago raali kanoqon maayo waliba aan ku tuhun sanahay wadaniyada.Adeer nin puntland oo aan u dhiibanay baylah ka dhigay,oo fidnaa i ah kayeeli mayno nagumana diri karo sharmaarke.kuma mucaaradayno maxaad u tahay soomaali ee aad puntland ugu hiilin la dahay.xag xag shada sharmaarke ee puntland xaal baan ka bixinay.taariikhdu waa soo noqnoqotaa wixii shalay aabihii lagu haystay oo ahayd maxaad soomaali u tahay unbaa hadana gabanka lagu haystaa.

W/Q: Yuusuf Cumar
Email:mashruuc5@hotmail.com